Mareykanka oo markale dacwad ku soo oogay barta TikTok.

0
15

Baledweyne ( Radio Beerlula )-In ka badan toban gobol oo Mareykanka ah ayaa dacweeyay shirkadda TikTok, iyaga oo ku eedeeyay bartaan inay gacan ka geysatay sare u kaca dhibaatada caafimaadka maskaxda dhalinyarada.

Koox qareenno ah oo ka kooban 14, kana kala yimid meelo kala duwan oo Mareykanka ah ayaa ku andacoonaya in shirkadda ay isticmaasho astaamo la qabatimo si ay carruurta uga diiradda u saaraan aaladdaan iyo in si ulakac ah ay shacabka u marin habaabiyaan iyaga oo eegaya isticmaalka muddada dheer.

Shirkadda TikTok ayaa dacwaddaan ku tilmaamtay “Mid niyad jab leh” waxa ayna sheegtay inay rumeysan tahay in qaar badan oo kamid ah sheegashooyinka ay yihiin “Kuwo aan sax ahayn oo marin habaabin ah”.

Madashaan ayaa horay waxa ay ula dagaallantay sharci ay Congress-ka ansixiyeen bishii Abriil kaas oo ka mamnuucayay Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here