Mareykanka oo soo saaray amar lagu xaddidayo tahriibayaasha.

0
22

Baladweyne (Radio Beerlula)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa saxeexay amar fulineed oo lagu xakamaynayo tirada muhaajiriinta magangelyo doonka ah ee ka soo gudbaya xuduudda u dhexeysa Maraykanka iyo Mexico.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalkan Maraykanka ayaa sheegay in “madaxweyne Biden uu aaminsan yahay in la sugo ammaanka xuduudda, taasina ay tahay sababta uu u soo saaray amarkan fulineed, si dadka muhaajiriinta ah ee sida sharci-darrada ah uga soo gudba xuduudda Koonfureed looga hor-istaago inay helaan magangelyo” ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay aqalka cad.

Amarkan fulineed ayaa ka hor-istaagaya muhaajiriinta sida sharci-darrada ah uga soo gudba xuduudda koonfureed inay dalban karaan magangelyo.

Hase ahaatee waxaa maamulka Biden ay sheegeen in tallaabadani aanay ahayn mid si joogto ah u shaqaynaysa, balse ay ku xidhan tahay duruufta ka jirta xuduudda koonfureed, gaar ahaan, xilliyada ay buuxdhaafto oo ay dad badani ku soo jabaan.