Mareykanka oo telefoonnada iyo kumbiyuutarrada laga keeno shiinaha ka dhaafay canshuuraha.

0
129

Baladweyne (Radio Beerlula)- Maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa canshuuraha dheeraadka ah ka daayay telefoonnada casriga ah, kumbiyuutarrada iyo qalab kale oo elektaronik ah, waxaana ka mid ah canshuuraha 125% ah ee lagu soo rogay alaabaha ka yimaada Shiinaha.

Ogeysiis uu soo saaray guddiga Mareykanka arrimahan u qaabilsan ayaa lagu sheegay in badeecooyinka laga daayay canshuuraha 10% ah ee Trump uu kusoo rogay inta badan dalalka kale iyo gaar ahaanna canshuuraha alaabaha ee lagu soo rogay Shiinaha.

Khubarrada dhaqaalaha ayaa sheegay in tani ay war weyn u tahay shirkadaha teknolojiyadda.

Trump ayaa shalay mar uu u safrayay Miami wuxuu sheegay inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono canshuur dhaafiddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here