Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mareykanka ayaa u muuqda inuu isku diyaarinayo qabsashada dalka Venezuela oo heysta kaydka ugu badan ee shidaalka caalamka.
Waxaa la arkay hab-raac suragal ka dhigaya duullaan uu Mareykanka ku qaado Venezuela.
Mareykanka wuxuu diiday jiritaanka dawladda Venezuela ee uu hoggaamiyo , Nicolas Maduro oo Mareykanka uu madaxiisa ku raadinayo 50 milyan oo dollar.
Mareykanka wuxuu sheegay in Maduro uu boobay doorashadii u dambeysay oo aysan sharciyad ku dhisnayn dawladiisa, taa oo la macno ah Mareykanka wuxuu u aqoonsanyahay dal aan dawlad lahayn Venezuela.
Mareykanka ayaa ku eedeyay Nicolas Maduro, inuu hoggaamiyo qaar ka mid ah kooxaha ugu khatarta badan ee daroogada ka ganacsada dilalkana fuliya, waa cududaar si shaqsi ah loogu beegsan karo.


