Mareykanka oo weeraray markab daroogo siday.

0
111

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Maraykanku uu weerar ku qaaday markab siday maandooriye, kaas oo marayay koonfurta Caribbean-ka, isla markaana ay halkaas ku dileen “11 qof oo daro ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya.”

Waxa uu soo dhigay baraha bulshada in howlgalkii militariga ee Mareykanka uu la beegsaday xubno ka tirsan burcadda Tren de Aragua ee Venezuela uu ka dhacay biyaha caalamiga ah isagoo ku sii jeeday dalka Mareykanka.

Maamulka Trump ayaa kordhiyay cadaadiska militariga iyo kuwa siyaasadeed ee ka dhanka ah madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro iyadoo Mareykanka uu madaxiisa dul dhigay $50m oo abaal marin ah ciddii keenta xog horudhac ah oo la xirriira eedeymaha ka ganacsiga daroogada.

Maduro ayaa wacad ku maray in Venezuela ay iska caabin doonto isku day kasta oo uu Mareykanku ku doonayo in uu faragelin militari ku sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here