Marin biyoodka Suez Canal oo dib u furmay kadib markii uu go’doomiyay Markab.

0
153

Baladweyne (Radio Beerlula)Howlaha marinbiyoodka ugu mashquulka badan caalamka ee Suez Canal ayaa si caadi ah kusoo laabtay kadib markii marinka uu go’doomiyay Markab kuwa xamuulka qaada ah oo laga lahaa Norway.

Mas’uuliyiinta marinka Suez ee Masar ayaa sheegay in markabka ay cilad lasoo deristay isla markaana markii dambe laga leexiyay marinka si loo hagaajiyo.

Intii uu xirnaa marinkan ayaa waxaa hakad ku yimid isku socodka maraakiibta ee marinka Suez.