Markab wada 800 ruux oo qaba Covid19 oo kusoo xertay magaalada Sydney ee dalka Australia.

0
219

Baladweyne (Radio Beerlula)-Markab kuwa dalxiiska oo ay saaran yihiin in ka badan 800 oo rakaab ah oo qaba xanuunka Covid-19 ayaa ku soo xirtay magaalada Sydney ee dalka Australia.

Markabka oo la yirahdo Majestic Princess ayaa yimid Circular Quay, isagoo ka soo shiraacday New Zealand.

Qiyaastii 4,600 oo rakaab ah iyo shaqaalihii markabka ayaa saarnaa markabka taasoo la macno ah in shantii qofba uu mid uu qabo Covid.

Marguerite Fitzgerald, oo ah madaxa hawl wadeenada dalxiiska ee Carnival Australia, ayaa sheegay in tiro badan oo kiisaska la ogaaday qiyaastii kala barkii safarka 12-ka maalmood ahaa.

“Dhammaan kiisaska waxay ahaayeen kuwo khafiif ah, ayay tiri.

Shaqaalaha markabka ayaa dhammaan dadka dalxiiseyaasha ah ee uu ku dhacay xanuunka ka caawin doonaan helitaanka gaadiidka gaarka ah iyo hoyga si ay u dhammaystiraan muddada karantiilka.