Markabkii ugu weynaa ee rakaab qaada oo socdaalkiisa bilaabaya

0
98

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Waxaa soo dhow xilligii uu hawlgali lahaa markabka ugu weyn dunida ee rakaab qaada.

Bisha Janaayo ee sannadka soo socda ayaa la filayaa inuu safarkiisa ugu horreeya sameeyo Icon of the seas.

Waxaa iminka soo dhamaaday socdaalkii ugu horreeyey ee tijaabada ahaa ee markabkaas uu ku samaynayey badda.

Wuxuu dib ugu laabtay halka maraakiibta lagu sameeyo ee Meyer Turku, Finland, ka dib markii uu afar maalmood badda ku jiray ayadoo la tijaabinayey matoorrada iyo qalabka ku xiran ee tiknoloojiyada casriga ah ku shaqeeya.

Boqollaal qof ayaa afartaas maalmood waxay ka shaqaynayeen in wixii cillad farsamo ah ay eegaan, dibna ugu soo celiayaan jawaabta xarunta markabka lagu dhisay.

27 Janaayo 2024 ayaa la qorshaynayaa in uu socdaalkiisa ugu horreeya kaga soo ambabaxo dekedda Miami ee Maraykanka.

Marka laga hadlayo baaxaddiisa, waa markabkii ugu horreeyey ee baaxad ahaan ugu weyn maraakiibta qaada dalxiiseyaasha.

Dhererkiisu waa 365 mitir, culayskiisuna waa 250,800 oo tan. Wuxuu la mid yahay laba dhisme oo ah dhismaha CN Towers ee caanka ay ku tahay magaalada Toronto oo badda sabbaynaya.