Marwada Kowaad ee Maraykanka oo Laga Helay COVID-19

0
101

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in marwada kowaad Jill Biden laga helay cudurka COVID-19.

Qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay, in markii laga helay marwada kowaad xanuunka COVID-19, in baadhis lagu sameeyay madaxweyne Biden, hase ahaatee aan isaga laga helin xanuunka.

Aqalka Cad ayaa sheegay inay si dhow ula socon doonaan xaaladda caafimaad ee madaxweynaha, iyada oo si joogto ah toddobaadkan loo baadhi doono.

Madaxweyne Biden ayaa xanuunka COVID-19 laga helay bishii July ee sannadkii 2022, hase ahaatee xilligaas wuxuu dareemay oo keliya, calaamado kooban, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Xilligaas madaxweynaha oo qaatay labadii tallaal, iyo weliba tallaaladii xoojinta ahaa, ayaa haddana markale la siiyey tallaal kale oo ka hortag ah.

Markale ayaase madaxweyne Biden laga helay xanuunka COVID toddobaad gudihii oo ku beegnayd, July 30-keedii, 2022.