Masaajid laba dabaq ah oo laga hirgeliyay magaalada Burco oo xariga laga jaray.

0
192

Baladweyne (Radio Beerlula)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Cabdulahi Ibraahim, guddoomiye ku xigeenka degmada Burco Mukhtar Cabdi Maxamuud iyo culumaaudiin ayaa si wada jir ah xariga uga jaray masaajidka Afgooye oo loo dhisay qaab casri ah islamarkana ka kooban laba dabaq.

Guddoomiyaha guddiga dhismaha masaajidka Afgooye ee Magaalada Burco Sheekh Aadan Xassan Siciid ayaa ka waramaya marxaladihii kala duwana ee uu soo maray dhismaha masaajidka.

Warbixintan waxaa noo haya Xaawo Luul Aadan Xuseen.