Masar oo bilaawday baaritaanka markabkii xayiray marinka Suweys

0
271

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kabtan Sayed Shesha, oo ah lataliye ka ah Hay’adda Kanaalka Suweys, ayaa sheegay in ay bilaabayaan baaritaan ku saabsan ciladahii qabsaday

markabkii Ever given oo dhawaan ku ciladoobay Kanaalka Suweys, isaga oo intaa ku daray in baaritaanada ay noqon doonaan kuwa caalami ah madaama arrinka uu si guud u sameeyay caalamka.

Lataliyaha Hay’adda Kanaalka Suweys ayaa sharaxay in baaritaanka ay qeeyb ka ahaan doonaan hubinta in kabtanka markabku uu ka jawaabay amaradii Hay’adda ka hor inta uusan markabku ciladoobin.

Khubarada u xil saaran baaritaanka markabkan konteenarrada siday ee muddada toddobaadka ku dhow xayiray Kanaalka Suweys, ayaa su’aalo la xiriira sababaha shilka weydiin doona maamulka iyo Kabtanadii waday maraakan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here