Masar oo ka carootay baaqa ku saabsan in la baaro maydka Mursi

0
358

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dawladda Masar ayaa la sheegay in ay ka hor timid baaqa Qaramada Midoobay ee ku aadan in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo dhimashadii madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi, iyadoo baaqaas ku tilmaantay iskuday ay ku siyaasadaynayso arrintaas.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warrantay in afhayeenka Wasaaradda Arrimha Dibadda uu “erayada ugu culus” ku cambaareeyay talada ay soo jeedisay Qaramada Midoobay, wuxuuna ku adkaystay in Mursi uusan waxba eersanin.

Hoggaamiyihii hore oo 67 jir ahaa ayaa Talaadadii la aasay, maalin uun ka dib markii uu ku miyir daboolmay maxkamad uu ka soo muuqday, isaga oo halkaas ku dhintay.

Mursi ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimuqraadi ah loo doorto, balse xabsi ayuu ku jiray tan iyo markii uu miltarigu xukunka ka xayuubiyay sannadkii 2013.

Qoyskiisa ayaa wakhti dheer walaac ka muujinayay sida loogula dhaqmayay xasbiga, waxayna sheegeen in xukuumaddu ay ka diiday codsi ay u dirsadeen oo ahaa in lagu aaso deegaanka uu ka soo jeedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here