Masar oo ku baaqday xabad joojin laga hirgaliyo Qasa

0
39

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dadaalladan ayaa lagu doonayaa in lagu sii daayo afar ka mid la haystayaasha Israa’iil laguna baddelo maxaabiista Falastiin ee ku jira xabsiyada.

Madaxweyne al-sisi, wuxuu sheegay in tobbanka maalmood ee soo socda wada-xaajoodyadu way sii socon doonaan si loo dhammaystiro tallaabooyinka si la gaaro xabbad-joojin buuxda oo loo oggolaado in gargaarka la gaarsiiyo Qasa.

“Waxaan cadeyneynaa in walaalaheena Marinka Qasa ay wajahayaan go’doomin aad u adag, oo gaaray heer gaajo, waxaana muhiim ah in gargaarka uu sida ugu dhaqsaha badan u galo halkaasi.”ayuu yiri Cabdifirax al-sisi.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo la filayo in dib loo bilaabo wadahadallada xabad joojinta ee dhexmara Xamaas iyo Israa’iil.

Israa’iil ayaa billowday olole ay ku burburinayso Xamaas iyadoo ka jawaabaysa weerar aan horay loo arag oo ay kooxdu ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo lagu dilay illaa 1,200 oo qof, 251 kalena lagu qafaashay.

In ka badan 42,924 qof ayaa lagu dilay Qasa tan iyo markaas, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here