Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ka dhaggax-dhigay 7 waddo oo interlock ah, isla markaana xarigga ka jaray tiro la mid ah oo ay dhismihiisa iska kaashadeen Maamulka Degmada, Ganacsatada iyo Bulshada Degmada Heliwaa.
Waxaa munaasabadda goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda G/Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Degmada Heliwaa Mire Salaad Dhuxulow, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan


