Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Cadale oo xariga laga jaray.

0
99

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa daah-furay mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Cadalle isagoona dhagax dhigay kuwa kale oo cusub.

Mashariicda uu xariga ka jaray madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen ayaa waxaa ka mid ah suuqa Kalluunka oo leh qaboojiyeyaal casri ah kaas oo wax badan u tari doono ganacsatada kalluunka ee degmada Cadalle iyo xarunta Wasaarrada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Hirshabeelle oo laga dhisay Degmada Cadalle.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saney.