Baladweyne (Radio Beerlula)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo.
Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah, 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐭𝐨𝐨𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨, 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐜𝐝𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐉𝐢𝐧𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚, 𝐋𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝, 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐁𝐨𝐥𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨, 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐢𝐥𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐅𝐚𝐫𝐬𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐜𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐚𝐲𝐢𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝, 𝐖𝐚𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐫𝐢 𝐝𝐨𝐨𝐨𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐚𝐤𝐚𝐚𝐛 𝐢𝐲𝐨 𝐁𝐮𝐮𝐡𝐨𝐨𝐝𝐥𝐞, 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐲𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐮𝐰𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐤𝐮 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐲𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚𝐚𝐧 𝐦𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨, 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐝𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐚𝐡 (𝐒𝐎𝐃𝐌𝐀), 𝐈𝐬𝐛𝐢𝐭𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐒𝐂-𝐊𝐡𝐚𝐚𝐭𝐮𝐦𝐨( 𝐒𝐭𝐚𝐭𝐞 𝐇𝐨𝐮𝐬𝐞 𝐇𝐨𝐬𝐩𝐢𝐭𝐚𝐥).
Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.
Audio Player

