Mashariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Aadan Yabaal oo xariga laga jaray.

0
80

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta xariga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hergeliyay degmada Aadan yabaal halka kuwa cusub-na uu dhagax-dhiggay.

Mashaariicda la daah-furay ayaa waxaa kamid ah Dugsiga Hoose Dhexe, Garoonka Cayaaraha, Saldhigga Booliska Degmada, Xarunta Maxkamadda iyo Nalalka cadceeda ku shaqeeyo.

Warbixintaan waxaa soojeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.