Mashariic iskugu jirta ceel biyood iyo iskuul laga dhagax dhigay deegaanka Gasle oo dhanka waqooyi ka xiga Baladweyne

0
362

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xildhibaan Samiir Xassan Cabdulle oo ka tirsan xildhibannada golaha shacabka Soomaaliya oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo xubno kale ayaa deegaanka Gasle oo dhanka waqooyi ka xiga magaalada Baladweyne ka dhagax dhigtay mashariic horumarineed oo iskugu jirta iskuul iyo ceel biyood.

Guddoomiyaha ururka dhalinyarada Hirshabeelle Maxamed Cabdulahi Buraale, nabadoon Xassan Macalin Gashiin oo ka mid ah waxgaradka gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in durufo badan ay ku xeeran yihiin dadka deegaanka iyagoo bogaadiyay mashariicdan laga dhagax dhigay Gasle.

Xildhibaan Samiir Xassan Cabdulle oo ka tirsan xildhibannada golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegtay in mashariicdan ay dhagax dhigtay ay wax badan ka tari doonto baahiyihii deegaanka ka jiray iyadoo ugu baaqday hay’addaha samafalka inay caawiyaan dadka dhibaateysan.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here