Mashruuc biyo dhaamin ah oo laga daah furay Baladweyne.

0
155

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Dowlad goboleedka Hirshabelle oo kaa shaneeysa Hay’adda SYPD ayaa deegaanka ceeljaalle ee duleedka Baladweyne ka daah furtay Mashruuc Biyo dhaamin oo loogu talagalay dadka danyarta ee fatahaadda ka barakacay.

Daahfurka mashruucaan biyo dhaaminta ah waxaa goobjoog ka ahaa xubno kamid ah maamulka gobolka Hiiraan.masuuliyiin ka socday Hay’adda SYPD iyo isku duwaha Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Dowlad goboleedka Hirshabelle ee gobolka Hiraan.

Warbixintan waxaa inoo haya Cabdiqadir Cumar Ibraahin