Mashruuc lagu horumarinayo beeralayda oo laga daah furay Boosaaso

0
159

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Boosaaso ayaa laga daahfuray Barnaamijka Kobciye oo ah Mashruuc lagu taageeraayo beeralayda si kor loogu qaado wax soo saarka iyo sugnaanta Cunnada.

Waxa ka qeyb galay daahfurka Barnaamijka Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Bari Maxamed Dalmar Bille mas’uuliyiinta hay’ada SADRA oo fulineysa barnaamijkan iyo madax katirsan hay’ada cunada aduunka ee WFP iyo Marti Sharaf kale.

warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.