Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magaalada Jowhar ka daah-furay mashruuca dhalinyarada iyo nabadda oo aay iska kaashanayaan dowladda dhaxe,maamulka Hirshabeelle,Hay’addaha IOM iyo FOA.
Munaasabadda daah-furka mashuurca ayaa waxaa goob joog ahaa wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Bare Maxamuud,wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabeelle Maxamed Xuseen Ceynte,Xildhibaanno,wasiiro iyo maamulka Magaalada Jowhar.
Warkan waxaa inoo haya Cabdimajiid Aweeys Isaaq.


