Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta daah-furay mashruuca iftin kaasi oo koronto lagu galinaayo xaafaddaha magaalada Baydhabo.
Munaasabadda daah-furka mashruuca iftin ayaa waxaa goob joog ahaa wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed,maamulka Gobalka Bay,kan magaalada Baydhabo,xildhibaanno,madax ka tirsan shirkada korontada ee Beco iyo marti sharaf kale.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Cabdinajiib Aweys Isaaq.