Mashruuc loogu talo galay beeraleyda iyo xoolo dhaqatada oo laga daah furay degmada Matabaan

0
97

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay munaasabad lagu daah furayay mashruuca deegaanka Bile oo loogu talo galay inay ka faa’ideystan dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ee ku nool Matabaan, Beergadiid, Qodqod, iyo Takaraale ee gobolka Hiiraan.

Munaasabada lagu daah furayay mashruucan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle, xildhibaano ka tirsan maamulka Hirshabeelle, maamulka degmada Matabaan, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.