Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye qoor qoor ayaa magalaada dhuusa- mareeb ka daah furay mashruuca barwaaqo oo lagu hormarinayo beeraha , waraabka, xanaanada xoolaha, dhireynta, dhowrista deegaanka iyo dhismayaasha deegaanka.
Daahfurka mashruuucaan waxaa ka qeybgalay xildhibaano kamid ah maamulka Galmudug iyo Doowlada soomalaiya,wasiiro ,maamulka degmada Dhuusamareeb iyo masuuliyiin kale
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaney.