Baladweyne (Radio Beerlula)-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magaalada Jowhar si wada jir ah uga daah furay mashruuca biyo xireenka Sabuun, kaas wax weyn ka beddeli doona nolosha in ka badan 300-kun oo beeraley Soomaaliyeed ah.
Munaasabadda lagu daah furayay mashruucan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan Xukuumadda, masuuliyiin heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah iyo saraakiil ka socday Qaramada Midoobey.
Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin.