Baladweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda goboleedka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xarigga ka jaray mashruuca cusub ee daaweynta iyo dhaqista Kelyaha oo laga hirgeliyay Isbitaalka Guud ee Garoowe.
Mashruucan caafimaad waxaa fuliyay Hay’adda (IMC) iyada oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Puntland, waxaana qalabka iyo taageerada dhaqaale ku deeqday Hay’adda King Salman.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi


