Mashruuca Damal Caafimaad oo laga daah furay Baydhabo.

0
42

Baladwayne (Radio Beerlula )-Wasaaradda Caafimaadka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa magaalada Baydhabo ka daah furtay adeeg bixinta mashruuca Damal Caafimaad oo ka fuli doona Gobolada Baay iyo Bakool.

Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay isla markaana si wadajir ah u daahfuray Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka KGS Mudane Maxamed Cusmaan Xaaji Cabdi iyo mas’uuliyiin kale.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Yuusuf Cabdulaahi.