Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye, Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle, Guddoomiye ku xigeenka Howlgaha guud ee Maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Xuuf, Guddoomiyaha degmada Baladweyne Cumar Cismaan Calasoow ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu saxiixayay dhismaha mashruuca wadada laamiga ee Baladweyne oo ka kooban lix KM.
Mashruucan ayaa waxaa si wada jir ah u kala saxiixday duqa magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin, iyo hogaanka shirkaddaha dhisaya wadadan laamiga oo kala ah Buruuj Construction Company, iyo Istaahil Construction Company.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yusuuf Cabdulaahi


