Mashruuca ilaalinta dhismayaasha oo laga daahfuray Hargeysa

0
81

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Howlaha Guud Dhulka iyo Guryaynta maamulka Soomaaliland ayaa magaalada Hargeysa ka daah furtay mashruuca habraacyada ilaalinta tayada dhismayaasha iyo diwaangalinta shirkadaha dhismayaasha iyo injineerada.

Munaasabadda daah furka mashruucaan ayaan waxa goob joog ahaa Mas,uuliyiin ka socday Wasaaradda Howlaha guud ee maamulka Soomaliland, Maamulka Dowlada Hoose ee Hargeysa, shirkadaha Dhismaha iyo injineero.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Yuusuf Cabdulaahi