Mashruuca kaydka biyaha Jowhar oo laga daah furay magaalada Muqdisho.

0
76

Baladweyne (Radio Beerlula)- Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda JFS, mudane Cabdisalaan Cabdi Cali  iyo madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle, mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa si wadajir ah magaalada Muqdisho uga daah furay mashruuca Kaydka Biyaha ee Jowhar, kaasi oo qeyb ka ah mashaariicda horumarineed ee dowladda Soomaaliya ay ka hirgelineyso maamulka Hirshabeelle.

Madashan waxaa goobjoog ahaa Wasiirada Wasaarradaha heer Federal iyo Dowlad Hirshabeelle ee uu mashruucan khuseeyo, safiirada Dowladdaha ka qeybqaadanayo mashruucan waxaana ka mid ah Mareykanka iyo Ingiriiska.

Sidoo kale waxaa shirkan kasoo qeybgalay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Mr. George Conway ahna isku-duwaha arrimaha Bini’aadanimada.

Warbixintan waxaa noo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here