Baledweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay Munaasabad lagu daahfuray Masjidka Qurdubad islamarkaana laga hirgeliyay xaafada Gubta ee degmada Deyniile kaasi oo dhismihiisa iska kaashadeen bulshada Degmada iyo walaalo muxsiniin ah.
Munaasabada lagu daahfuray masjidkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Gudiga gacanta ku haayay dhismaha masjidka, Culimo udiin, Odayaal, Dhallinyaro iyo qaybaha kale ee bulshada.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


