mataano dhashay iyagoo isku dheggan oo la kala jaray dalka Chad.

0
46

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Koox caafimaad oo ka socota Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee dalka Chad ayaa Jimcihii Luulyo 21, 2023 ku guuleystay inay fuliyaan qalliin lagu kala goynayey labo ilmood oo iyaga oo isku dheggan dhashay.

“Qaliinkan waa kii ugu horeeyay ee dalka laga sameeyo noociisa”, ayuu sharaxay Dr. Olivier Ngaringuem oo ka qayb qaatay hawlgalka. “Waxaan mar hore samaynay qaliin noocan oo kale ah balse macmal ah. Taas macnaheedu waa in mid ka mid ah labada ilmood uusan dhammaystirnayn oo uu ku nool yahay qaar ka mid ah xubnaha jirka ee kan kale, “ayuu yiri.

Sida laga soo xigtay khubarada, xaaladda caruurta isku dhegan oo loo yaqaan “Siamese” waa dhacdo dhif ah. “Siamese waxaa laga helaa ah 150,000 ee dhalashaba mid ka mid ah,” ayuu yiri.

Waxaa la sameeyay kooxo ka kooban dhaqaatiir raadiyooloji ah, dhaqaatiirta caruurta, dhaqaatiirta suuxinta iyo dhakhaatiirta qaliinka si ay u fuliyaan qaliinka.