Baladwayne ( Radio Beerlula )-Matxafka Britan ayaa sheegay in la helay boqollaal shey oo la la’aa iyo kuwa la xaday, taasoo tirada guud ee alaabta la helay ka dhigaysa 626.
Madxafku waxa uu sheegay in ilaa 2,000 oo shay la waayey ama la burburiyey, kuwaas oo intooda badan laga xaday bakhaarradii ay ku jireen kuwaas oo lagu iibinayey si online ah suuqa eBay.
Afhayeen u hadlay Matxafka ayaa sheegay in howlgalku uu hadda yahay mid caalami ah, walxaha laga helay adduunka oo dhan.
Sanadkii hore, xubin sare oo ka tirsan shaqaalaha oo lagu tuhunsanaa inuu ku lug lahaa alaabta la waayey ayaa shaqada laga ceyriyay.
Dhammaan eedeymahaas wuu diiday.