Maxaabiis baxsaday oo dib iskugu soo dhiibay booliska Bangladesh.

0
61

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Booliska Bangladesh ayaa sheegay in in ka badan boqol iyo sodon maxbiis ah ay is dhiibeen, kuwaas oo baxsaday kadib markii ay mudaaharaadayaashu weerareen xabsiga magaalada Narsingdi.

Booliiska ayaa sheegay in qaar badan oo kale ay isku dayayeen inay soo laabtaan oo ay ka wada xaajoonayaan qareenadooda.

In ka badan sideed boqol oo maxbuus ayaa baxsaday markii mudaaharaadayaashu ay beegsadeen dhismaha xabsiga usbuucii hore.

Dhanka kale, waddooyinka ayaa mar kale mashquul ahaa caasimadda Bangladesh ee Dhaka, iyadoo dowladdu ay dabcisay bandowgii muddada saarnaa.

Bandowgan ayaa la soo rogay Jimcihii kadib maalmo ay socdeen rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhashay qoondada shaqooyinka dowladda.