Maxaabiis ka baxsatay xabsi ku yaalla dalka Mozambique .

0
57

Baladweyne ( Radio Beerlula)- In ka badan 1,500 oo maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla Mozambique, iyagoo ka faa’ideysanaya qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay natiijada doorashada lagu muransan yahay, sida ay booliisku sheegeen.

Soddon iyo saddex qof ayaa ku dhintay 15 kalena way ku dhaawacmeen iska horimaad dhex maray ciidamada iyo dibadbaxayaasha, sida uu shir jaraa’id ku sheegay taliyaha booliiska oo lagu magacaabo Bernardino Rafael.

Qiyaastii in ka badan 150 qof oo maxaabiis ah ayaa dib loo qabtay, ayuu raaciyey hadalkiisa.

Banaabaxayasha ayaa ka careysan go’aanka ka soo baxay  maxkamadda ugu sarreysa Mozambique oo xaqiijinaysay in xisbiga Frelimo ee talada haya tan iyo 1975-tii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee bishii Oktoobar dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here