Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maxaabiista Falastiiniyiinta ee lasii daayay ayaa la kulmay qoysaskooda iyagoo laabta is geliyay isuna ooyay.
Bas siday maxaabiistan ayaa gaaray Ramallah oo Daanta Galbeed ah.
Wadarta 183 maxaabiis Falastiiniyiin ah ayaa la filayaa in maanta la sii daayo tan oo qeyb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Dadka lasoo daayay ayaa isugu jiray rag iyo dumar da,yar kuwaasi oo mudo ku dhibaatoonayay xabsiga
Waxaa jira dad badan oo wali ku xeran Israel balse sida qorshuhu yahay qaar badan oo kamid ah ayaa xaruyadooda heli doona


