Maxay Xiddigaha Vinicius Jr. iyo Rodrygo ‘Lionel Messi-ga Reer Turkey’ Ee Arda Guler Ee Ay Real Madrid La Saxeexatay?

0
132

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Xiddigaha Real Madrid ee Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes ayaa ka falceliyey saxeexa xiddiga da’da yar ee Arda Guler ee ay Los Blancos maanta sida rasmiga ah ugu dhawaaqday inay kala soo wareegtay Fenerbahce.

Real Madrid ayaa xiddiga reer Turkey waxay ka hor-qaadday Barcelona oo si aad ah ugula dagaallamaysay iyo Arsenal oo ahayd kooxdii ugu horreysay ee xiisaha u muujisay laacibkan.

Arda Guler ayaa Real Madrid u saxeexay heshiis lix sannadood ah oo soconaya illaa sannadka 2029, waxaana uu Guler khadka dhexe kula tartami doonaa Jude Bellingham iyo xiddigaha ruug-caddaayada ah ee Luka Modric, Toni Kroos iyo Dani Ceballos.

Kaddib markii ay Real Madrid baraheeda bulshada ku baahisay heshiiska Arda Guler, labada ciyaartoy ee reer Brazil ee Vinicius Junior iyo Rodrygo Goes ayaa falcelin degdeg ah ka sameeyey.

Vinicius ayaa dadka ku xidhan barihiisa bulshada lasii wadaagay qoraalka iyo sawirka ay Real Madrid ku shaacisay heshiiska Arda Guler, waxaana uu ku dul-qoray: ‘Merengues’ oo ah naanaysta loo yaqaano Real Madrid, waxaanu kusii daaray: “Ciyaartoy kale ayaa doortay kooxda ugu weyn adduunyada.”

Rodrygo Goes ayaa isaguna sidaas oo kale usii share-gareeyey qoraalka Real Madrid ee shaacinta Arda Guler, waxaana uu ku dul-qoray: “Ciyaartoy kale oo hibo leh ayaa kusoo biiraya qoyska Madrid! Soo dhawoow Arda Guler.