Maxbuus hore oo maanta loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha Malaysia

0
143

Baladweyne (Radio Beerlula)- Hoggaamiyaha mucaaradka Malaysia Anwar Ibrahim ayaa maanta boqorka hortiisa loogu dhaariyey ra’iisul wasaare, taasi oo soo geba-gebeysay shan maalmood oo is-mari waa siyaasadeed ah.

Xafladda dhaarinta oo ka dhacday caasimadda Kuala Lumpur ayaa soo afjartay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu xamaasadda badnaa ee taariikhda Malaysia, kadib markii xisbi-na uusan helin aqlabaiyad uu dowlad kusoo dhiso, markii ugu horreysay tan iyo xoriyaddii 1957.

Qabsashada Anwar ee xilka ra’iisul wasaaraha ayaa buuxisay nolol siyaasadeed oo kaliya aan gayn halka ugu sarreysa awoodda dalka, balse sidoo kale dhigtay xabsi.

Taageerayaasha Anwar ayaa ku dabaal-degayey caasimadda Kuala Lumpur.

Anwar ayaa sannadkii 1999-kii lagu xukumay lix sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay arrimo musuq-maasuq ah basle markii dambe waxaa laga sii dayay xabsiga.