Baladweyne (Radio Beerlula)- Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa ku amartay maamulka Trump inuu fududeeyo soo celinta nin u dhashay Maryland oo si qalad ah loogu masaafuriyay xabsi weyn oo ku yaal El Salvador.
Maamulka Trump ayaa qirtay in Kilmar Abrego Garcia loo tarxiilay si khalad ah, basle maamulka Trump ayaa racfaan ka qaatay amar maxkamadka degmada oo ahaa “fududeynta iyo dhaqan gelinta ku soo laabashadiisa Mareykanka.
Dowladda ayaa Garcia ku eedeysay in uu xubin ka yahay koox burcad ah oo lagu magacaabo MS-13, taas oo qareenkiisu uu diiday.


