Maxkamad ku taal dal Afrikan ah oo xukuntay in raggu qaadan karaan magaca danbe ee xaaskooda

0
173

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamadda ugu sarraysa dalka Koonfur Afrika ayaa xukuntay in ragga guursaday ay qaadan karaan magaca labaad ee dumarka ay qabaan, taasoo meesha ka saaraysa sharci horay u diidayay in ay sidaas sameeyaan.

Guushan ayey gaareen labo lamaane ah oo dacwadda keenay, Maxkamadda Dastuuriga ah waxay sheegtay in sharcigaasi uu ahaa nidaam “soogalooti gumeysi ah” oo la xiriira takoorka ku saleysan jinsiga.

Henry van der Merwe, ayaa laga hor istaagay xaqa uu u lahaa inuu qaato magaca xaaskiisa Jana Jordaan, halka Andreas Nicolas Bornman aan loo oggolaan in uu magaciisa ku daro Donnelly – magaca xaaskiisa Jess Donnelly-Bornman – sida ay warisay warbaahinta qaranka, SABC.

Baarlamaanka ayaa hadda lagu khasbayaa inuu wax ka beddelo xeerka Diiwaangelinta dhalashada iyo geerida, iyo xeer hoosaadyadiisa, si go’aankaasi uu u dhaqan galo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here