Maxkamad ku taal dalka Pakistan oo hakisay saddex sano oo xarig ah oo lagu xukumay Ra’iisal wasaarihii hore Dalka Pakistan

0
72

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Maxkamad ku taal dalka Pakistan ayaa hakisay saddex sano oo xarig ah oo horaan lagu xukumay Ra’iisal wasaarihii hore dalkaas Imran Khan.

Cimraan ayaa horaantii bishan lagu helay in uu qariyay xog ku saabsan hadiyado uu qaranku leeyahay, uuna ku iibiyay lacag dhan lix boqol oo kun oo dollar.

Inkastoo maxkamada sare ee Islamabad ay ogolaatay in damiin lagu sii daayo ilaa natiijada racfaanka laga dhageysto, hadana uma badna in Imran Khan maanta xabsiga laga sii daynayo.

Qareenadiisa ayaa isku dayaya in ay joojiyaan xariga kiisas kala duwan oo kale. Isniintii, kiis fallaagonimo oo ka dhan ah Cimraan ayaa la buriyay