Maxkamad ku talla Kenya oo xukun ku riday afar dhalinyaro ah oo lagu helay dhoofinta Qudhaanjo.

0
62

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa ku xukuntay afar nin min hal sano oo xadhig ah ama ganaax dhan $7,700 (£5,800), ka dib markii lagu helay dambiga ah inay isku dayeen inay dalkaas ka tahriibiyaan boqollaal qudhaanjo, si gaar ah teeda waaweyn.

Eedeysanayaashaas oo kala ah Lornoy David iyo Seppe Lodewijckx oo u dhashay dalka Biljamka halka Duh Hung oo u dhashay dalka Vietnam iyo Dennis Ng’ang’a oo u dhashay dalka Kenya kuwaasoo qirtay inay dhoofinayeen in ka badan 5,000 oo quraanjada nooca Messor cephalotes ah, oo sidoo kale loo yaqaanno Giant African Harvester Ants, kuwaasoo la dhex-geliyay ilaa 2,200 tubooyin ah si ay usii noolaadaan inta safarka lagu jiro.

Sida ay labada nin ee Belgian-ka ah ay u sheegeen maxkamadda, waxay qudhaanjadaas u urursanayeen si hiwaayad ah, isla markaana ma aysan ogeyn inay tahay arrin sharci-darro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here