Maxkamad sii deysay tageerayaal ka tirsan xisbiga mucaaradka Zimbabwe.

0
69

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamad ku taalla dalka Zimbabwe ayaa tuurtay eedeymo la xiriira dhaqan xumo ka dhan ah 78 ka mid ah taageerayaasha mucaaradka oo xabsiga ku jiray tan iyo bishii June.

Si kastaba ha ahaatee waxay weli wajahayaan eedeymo labaad oo ah inay kicinayeen rabshado iyagoo abaabulayay mudaaharaad.

Kooxdan ayaa marar badan loo diiday in damiin lagu sii daayo ka dib markii lagu xiray kulan gaar ah oo lagu xusayay maalinta dhalinyarada aduunka.

Garsooraha maxkamadda ayaa laba iyo toban ka mid ah ku waayay dambigii lagu soo eedeeyay isagoo sheegay in xitaa aysan shirka qeyb ka ahayn.

Ururada u dooda xuquuqul insaanka iyo dhowr wadan oo reer galbeed ah ayaa cambaareeyay mowjado mucaaradad ah oo lagu xiray iyo olole ka dhan ah dadka u ololeeya dimuqraadiyada Zimbabwe.