Maxkamad xukuntay in madaxweynihii hore ee Zambia lagu aaso dalkiisa.

0
122

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamadda dastuuriga ah ee Koonfur Afrika ayaa xukuntay in madaxweynihii hore ee Zambia, Edgar Lungu lagu aaso dalkiisa.

Lungu, oo ahaa lixdan iyo siddeed jir, ayaa ku dhintay Koonfur Afrika bishii Juun halkaas oo laga daweynayay xanuun aan la shaacin.

Qoyskiisa ayaa dagaal dhanka sharciga ah kula jiray sidii ay uga hortagi lahaayeen in meydka dib loogu celiyo Zambia halkaas oo lagu aasi doono aas qaran, kaasoo uu kormeerayo madaxweynaha hadda talada haya Hakainde Hichilema.

Qoyska Lungu ayaa codsaday in Madaxweynaha hadda talada haya uusan maamulin aaskiisa. Labada siyaasi ee iska soo horjeeda ayaa colaad ba’an ka dhexaysay ugu yaraan toban sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here