Maxkamad Xukuntay in ragga lagu caayi Karin bidaarta

0
85

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamad ku taalla Britain ayaa xukuntay inay xadgudub tahay in ragga lagu caayo bidaarta, kadib markii uu dacwad u gudbiyay nin u shaqeyn jiray shirkad ganacsi.

Ninka oo lagu magacaabo Tony Finn, ahna 64 jir ayaa muddo 24 sano ah farsamo yaqaan korontada u ahaa shirkadda British Bung ee xarunteedu tahay Galbeedka Yorkshire, ka hor inta aan shaqada laga eryin bishii May 2021.

Waxa uu ku dacwooday in Jamie King oo kamid ah madaxda shaqaalaha shirkadda uu si joogta ah ugu caayi jiray bidaartiisa, waxaana uu xusay muran dhexmaray sanadkii 2019.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here