Maxkamada sarre oo dil toogasho ah ku xukuntay eedeysane Sayid Cali

0
108

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin Da’uud, kadib markii ay si qoto dheer u dhageysatay cabashadiisa isla markaana ay daraaseeysay doodda Jawaabta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Maxkamada sare waxay diidday cabashada eedaysanaha, kuna ayidday xukunka Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ee soo baxay 15/05/2024.

Cabdiqaadir Cumar Ibraahin