Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda adduunku oo go’aan ka soo saartay dhulka Falastiin 57 sano ka dib

0
148

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qabsashada Israa’iil ee dhulka Falastiiniyiinta ay ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, ayaa sheegtay in Israa’iil ay joojiso deegaamaynta ay ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Quddus, isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan u joojiso qabsashada “sharci-darrada ah” ee ay ku hayso deegaannadaas iyo marinka Qasa.

Isaga oo ka jawaabaya go’aanka maxkamadd, ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu sheegay in maxkamaddu ay “go’aan been abuur ah samaysay”.
Ra’yiga la-talinta maxkamadu maaha mid sharci ahaan ku xiran laakiin wali waxay xambaarsan tahay miisaan siyaasadeed oo muhiim ah. Waa markii ugu horeysay oo maxkamada ICJ ay soo saarto go’aan ku saabsan sharci ahaanshiyaha arrintaas 57-dii sano ee la soo dhaafay.