Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad oo Baladweyne ku dhageystay kiiska dilkii loo geystay taliyihii qeybta booliska gobolka Hiiraan.

0
332

Baladweyne(Radio Beerlula)- Dhageysiga dacwadan  ayaa waxaa goob joog ka ahaa, odaayasha dhaqanka, dhalinyarada, haweenka, ehelada marxuumka la dilay iyo ehelada eedeysanayasha kuwaasoo si weyn u dhageysanayay eedaha ay soo bandhigayeen xeerilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybta 27-aad ee gobolka Hiiraan.

Inta ay socotay dhageysiga dacwada ayaa waxaa maxkamadda la horkeenay marqaatiyaal goob joog ka ahaa falkii lagu dilay taliyihii qeybta booliska gobolka Hiiraan Korneel Maxamed Macow Xalane, waxana sidoo kale fursad loo siiyay in eedeysanayasha ay is difaacan.

Sidoo kale goobta ay ka socotay dhageysiga maxkamadda oo aheyd xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa lagu soo bandhigay muuqaal laga diyaariyay qaabka wax u dheceen.

Xeerilaaliye ku xigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Kabtan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa maxkamadda ka codsaday in eedeysanayasha lagu rido xukun dil ah.

Abukaatayasha u doodayay eedeysanayasha ayaa goobta ka sheegay in cadeymaha xeerilaalinta ay soo bandhigeen  aysan dhameystirneyn , waxana ay dalbadeen in cadaalada ay helan eedeysanayashan.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad Dhame  maxamed cabdule aadan ayaa ka codsaday xeerilaalinta maxkamadda in fadhiga kan xiga ay ka horkeena cadeymo dhameystiran.

Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Cabdi Saney.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here