Baledweyne ( Radio Beerlula )-Dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, Karim Khan, ayaa codsaday in la soo xiro hogaamiyaha militariga Myanmar, Min Aung Hlaing oo lagu eedeeyay in uu dambiyo ka dhan ah bini’aadannimada uu u geysatay Muslimiinta Rohingya.
Boqolaal kun oo Rohingya ah ayaa ka qaxay Myanmar sanadkii 2017 si ay uga baxsadaan olole ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay xasuuq ay bilaabeen militariga Burma.
Balse dowladda Myanmar ayaa arrintaas beenisay, waxayna sheegtay in kaliya ay waddo olole ka dhan ah mintidiinta Rohingya.
Weerarrada ka dhanka ah Rohingya ayaa markii ugu horeysay bilowday sanadkii 2017-dii, kadib markii mintidiin Rohingya ay weeraro halis ah ku qaadeen in ka badan 30 xarumood oo boolis ah oo ku yaala Myanmar.