Baladwayne ( Radio Beerlula )-Maxkamadda sare ee Britain ayaa go’aamisay in qorshaha dowladda ee ah in dadka magangalyo doonka ah loo diro Rwanda uu yahay sharci darro.
Isagoo xukunka ridaya, garsoore Lord Reed, wuxuu sheegay in qaxootiga ay halis ugu jiraan in dib loogu celiyo dalalkii ay ka soo carareen.
Tani waxay si cad u jebinaysaa heshiiskii Qaramada Midoobay ee qaxootiga.
Xukunkan ayaa dhabar jab weyn ku ah dowladda UK oo rajaynaysay in qorshahan uu hakiyo kumanaan muhaajiriin ah oo sanad waliba doonyo yaryar ku taga UK.
Xukunka waxaa si taxadar leh u falanqeyn doona dhowr waddan oo Yurub ah.